Somalidu maxay qabiilka ooga hormarisaa qarin dhisida? Muxuu qabiilku siiyaa oo aysan qaranka ka helin?

Dr Nuur Hassan
2 min readOct 12, 2021

Waxaa inta badan la i waydiiyaa su’aashan-waa su’aal is kor saaran laakiin hal ujooda uun leh.

Jawaabtu waa adagtahay, laakiin inta badan theory/hindise/mala awaal ayaan isticmaalaa si aan iskugu dayo inaan ka jawaabo su’aashan mihiimka ah.

Framework/ Hindisaha/malaha salka u ah jawaabtayda

  1. Dhaqanka oogu xooga badan ee Somaalidu leedahay( The dominant Somali culture) waxaa uu ku salaysan yahay waxa loo yaqaano ‘Nomadic pastoralism’ ama xoolo dhaqato reer guuraa ah.
  2. Dhaqankan waxaa uu jiray kumanaan sanadood as old as Somalis themselves- waxaaba la dhihi karaa dhaqankan Somalida ayuuba la facyahay
  3. Dhaqankan xoola dhaqatada reer guuraaga ah waxaa u sal ah sedex tiir

A) Freedom of Movement/ Socod xor ah oon xanimnayn

B) Security/ In la helo nabad galyo

C) Kinship/ Caqraba ama dada dhalasha wadaaga

Somalidu maxay qabiilka ooga hormarisaa qarin dhisida? Muxuu qabiilku siiyaa oo aysan qaranka ka helin?( Suaashii)

Jawaab. Sababta ayay Somalidu ooga hormariso ama ooga jeceshahay qabiilka qaranka waxaa sal u ah qodobadan

  1. Qarnigii 19aad ayay gumaystihii reer Europe imaadeen geeska Africa. Iyagoo kolkaa xambaarsan fikir qariib/alien ku ahaa Somalida oo la yiraahdo ‘ Nation state’ dawlad ama qaran.
  2. Somalidii kolkaa noolayd labo arrin ayaa iskugu tagtay; in ay gumaysiga nacaan oo ka dhiidhiyaan, iyo inay fahmi waayaan fikirkii uu xambaarsanaa ee ahaa ‘nation state’.
  3. Intii gumaysiga la dagaalamaysay intooda badan waxay noqdeen dad aqoon u yeesha fikirkan ah ‘ nation state’ iyagoona si buuxda ooga tagin dhaqankii ahaa ‘nomadic pastoralism’
  4. Gumaysigii waa tagay. Kadib waxaa isku soo hadhay labo kooxood oo bulshada ka mid ah; A) Koox halgankii gumaysi diidka ka soo qayqaadatay, afkii iyo waxbarashadii gumaysigana taqaana, rabana inay sameeyaan ‘ nation state’( qolyahan waxay noqdeen new politcial class), iyo B) shacabka intiisa kale oo aana inta badan waxna akhrinin waxana qorin, dhaqankii xoola dhaqatada reer guuraagana wata.
  5. The new political class, ama hogaamintii kolkaa dhaxashay gumaystihii, waxay isku dayeen inay labadan dhaqan, mid waa kii gumaystuhu uu ka tagay ee ahaa ‘ nation state’ ama fikirkan dawladnimada, midna waa kan Somalida ee ahaa ‘ nomadic pastoralism’ dad xor ah oo xoolahooda dhaqda ay is qabadsiiyaan. Laakiin way isqabadsiin waayeen
  6. Kolkii ay isqabadsiin waayeen labadii dhaqan, oo ay ku guuldaraysteen inay dawladu dadka ka kaafin waydo baahidii uu qabiilka ka dabooli jiray, waxaa bilaabatay in dadku ka guuri waayo qabiilkii, iyagoonan diidanayn dawladnimada

Xalku waa maxay?

Hadii la helo dawlad iyo hogaan buuxiya ama abuura waxa uu qabiilku dadka u qabto oo inta badan ah( Nabadgalyo, Kaalmo, iyo wada jir), waxaa aad suurtagal u ah in dadku arkaan in baahidooda waa wawayn ay Dawladu dabooli karto, sidaa owgeed in qabiilka laga kaaftoomi karro

End

--

--

Dr Nuur Hassan
Dr Nuur Hassan

Written by Dr Nuur Hassan

Reader, writer and epistemological optimist.

Responses (2)